Episodes
-
Bismilaah;
Sida xilli-roobaadka 🌧️, jiilaalka ❄️, iyo xagaaga 🌞, ayuu qofkuna wuxuu leeyahay xilliyo uu ku jiro heerar kala duwan oo nafeed. Maaddaama aan ku guda jiro "season-ka" barashada Ilaahay 🌿, qaybtan waxaan kula wadaagi doonaa saddex ka mid ah casharadii ugu qiimaha badnaa ee aan ka bartay bishii Oktoobar 🌌✨. Intaa waxaa sii dheer, waxaan ku faaqidi doonaa qiso MRI oo xiiso ii lahayd markii hore iyo markii danbe wixii nakala raacay 🖤.
Dhagaysi wacan! 🎧
-
Bismilaah;
Qaybta 7-aad ee podcast-keena, waxaan ku falanqeyn doonaa dib-u-eegista bishii tagtay 📅✨. Waxaan dhex mari doonnaa 9 su'aalood oo milicsiga bisha ah 🧐 iyo 3 su’aalood oo la xiriira qorshaynta bisha soo socota 📝. Bisha Oktoobar, ha moogaan inaad dib u milicsato dareenka iyo xaaladaha kuu gaarka ah, si aad u fahamto oo u kobciso naftaada. Su’aashu waa: ma lagama maarmaan baa in bil kasta hal mar la milicsado?
🎙️ Dhagaysi wacan!
-
Missing episodes?
-
Qaybta 6-aad waxaan kaga hadlaynaa "Haddii aan nala xasuusin, xasuusan mayno" 🤔💭. Qaybtan, waxaan falanqeyn doonaa labo sababood oo muhiim ah oo ay tahay in aan u qorno fikradaha iyo xusuusta 📚✍️. Sidoo kale, waxaan ku qaadaa dhigaynaa labo tusaale oo shaqsi ah oo na tusinaya in aan wax ilowno, balse Allah iloobin, iyo sida dhiirigalin ugu jirto waxa aan horay u qornay 🌟📝. Dhagaysi wacan! 🎧✨
-
Qaybtan 5-aad ee podcast-keena, waxaan kaga hadlaynaa muhiimada qoraalka fikirrada subaxnimo (Morning thoughts) 🌅📝. Sidoo kale, waxaan dul istaagaynaa khasaaraha ka dhalan kara marka aan la qorin fikradahaas—mid dhaqaale 💸 iyo mid nafba leh 💔. Maxaa looga jeedaa "shabeelka" 🐆 aan iska ilaalinayno, iyo "faraska" 🐎 aan daajinayno? Jawaabahaas iyo kuwo kale oo badan ayaad ka heli doontaa qaybtan.
Dhagaysi wacan! 🎧✨
-
Qaybtan 1.aad ee 'Ila Qor' waxaan uga hadleynaa waxa aan qorayno, halka aan ku qorayno, iyo sababta muhiimka ah ee ka dambeysa ku qorida Futureme. 🤔 Waa safar lagu ogaanayo sida xusuusta iyo qoraalku isugu xidhan yihiin, oo aan dib ugu milicsaneyno waxa nolosha mid xasuus mudan ka dhigaya. 🤔
Dhagaysi wacan!😊
-
Bismilaah;
Kahor intaanan bilaabin qoraalkeenii ugu horreeyay, waxaan qaybtan ku xusnay qayb ka mid ah awoodda qalinka iyo muhiimadda uu leeyahay. Sidoo kale, waxaan kula wadaagay afar sababood oo muhiim ah oo ay tahay in aan qoraallo u qorno. 😊✨
Dhagaysi wacan!
-
Bismilaah;
Hab fikirkee ayay adiga kula tahay inuu noqon karo caqabadda ugu weyn ee qof ka hor istaagi karta inuu isbeddel ama horumar sameeyo?
Qaybtan 2-aad waxaan maanta ku falanqeynaynaa 4 qodob oo qofka u diida inuu tallaabo qaado si uu isbeddel u sameeyo. Nasiib wanaag, waa wax la bedeli karo haddii qofku uu habka fikirkiisa kaliya beddelo.
Dhagaysi wacan! 😊
-
Bismilaah;
Xalqadan 1.aad waxay gogoldhig u tahay xalqadaha kale oo soo socda, sidoo kale waxay sawir kaa siinaysa sababta Podcast-ga "Hab Fikirka Tarmuuska" luugu magac daray (Hadaba ila dhagayso 3.dexda shaqsi ee aadanuhu u kala baxo, labo waan iska ilaalin doonaa inaan noqono , halka aan hal ka mid ahna ku dedaali doono noqoshadiisa). Sidoo kale wax ka ogoow xalqadaha soo socda waxay xambaarsanaan doonaan Insha Allah.
Dhagaysi wacan!
-
Bismilaah,
Tarmuusku waxaan aaminsanahy in uu ka mid yahay alaabta hoy kasta oo bini aadam laga heli karo, hoy soomaliyeedna warkiiba daa. Mise is waydiisay halka aan Tarmuuska ka shabahno? Nafteenu sida Tarmuuska oo kale ayay u baahantahay in laga rogo wixii aan anfacaad u lahayn, la' carfiyo kadibna lagu shubo wax cusub. Ku soo dhawaaw Hab Fikirka Tarmuuska by Hodan Hilmi.