Episodes
-
Toban qof ayaa lagu soo oogay dambiyo maaliyadeed oo halis ah. Faraskii Iswiidhan ugu da'da weynaa ayaa dhintay. Afar qof oo lagu raadjoogay ayaa la dhigay xabsiga, waxa looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dil.
-
Sweden ayaa u soo bandhigtay Israel iyo EU wada xajood la xidhiidha baahida binadamnimo ee ka taagan Qaaza. Sanadkii hore waxa Sweden ku dhashay tiraduu ugu yareyd ee ilmo ay haween dhalaan. Xirfadda ugu caansanayd sannadkii 2022 ayaa ahayd xirfada kalkaaliyaha hoose.
-
Missing episodes?
-
Maxkamadda sare ayaa go'aan ku gaartey in aanay ogolaansho siin dacwaddii caanka ahayd ee Hmiid Nouray. Laba ka mid ah dayuurradaha bambooyinka qaada oo laga leeyahey dalka Mareekanka ayaa dulmarey caasimadda Stockholm. Nin 35 jir ah ayaa lagu soo oogey dacwad ka dhan ah oo la xiriirta inuu ka dambeeyay isku day dil.
-
Xasaasiyada geedaha laga qaado ee xiliga gu'ga ama pollen ayaa sannadkan la saadaaliyaya in uu noqon doono mid ka khafiifsan kii sanadkii hore. Bariga Dhexe ayaa ahaa suuqa ugu kobaca badan dhoofinta ee shirkadaha Iswiidhusku sameeyeen sannadkii hore. Dhibaatada ka jirta gelitaanka adeegga sanduuqa boostada dhijitaalka ah ee Kivra ayaa wali barteeda ka sii socota.
-
Qiimaha cunnada ayaa ku socdo koror heerka ugu deg dega badan muddo sannad ku dhawaad. Norway ayaa guul ka gaadhay sanadkan tartanka ee Vasalopp, oo sanadkan 100 jirsaday. Xiddiga usha ku booda ee Armand Duplantis ayaa sidii la filayey ku guuleystay biladda dahabka ee ciyaaraha gudaha adduunka ee ka socda Glasgow. Andreas Kramer ayaa shalay ku guuleystey biladii ugu horeysay abid ee Iswidhan ay ka hesho ciyaaraha adduunka ee tartanka orodada masaafada dhexe ee dhanka raga oo ka socda Glasgow.
-
Dugsi hoose dhexe oo ku yaalla Skövde ayaa maanta loo xiray sababa la xiriira calool xanuun ku yimid ardayda iyo shaqaalaha. Nin ayaa loo xiray tuhuno kharibaad ah ka dib markii uu dab ka kaciyay godka tareenka maro ee garoonka diyaaradaha Arlanda. 143 bisad-duureed ayaa laga yaabaa in la toogto marka ugaarsiga shatiga uu bilaabmo maanta oo Jimca ah.
-
Cisbitaalka Jaamacadda Karolinska ayaa noqdey cisbitaalka toddobaad ee ugu wanaagsan adduunka. Gabadh 15 jir ah oo askari candhuuf ku tuftay ayaa lagu xukumay 30 maalmood oo ganaax ah iyo 8000 oo karoon. Nin saddex jeer galay gegida diyaaradah Arlanda oo la xukumay. Maalintii arbacada tukamada ICA iyo Apotek Hjärta suurtogal may ahayn in card wax lagaga iibsado.
-
Gobolka Östergötland ayaa ku wargeliyay 900 oo qof in shaqada laga joojinayo, sida ay sheegtay laanta idaacadda ee P4 Östergötland. Tirada magangelyo-doonka ee Midowga Yurub ayaa kordhay sannadkii hore, sidaa ayaa muujinaysa warbixin sannadeed cusub. Sannadkii hore, ku dhawaad 100,000 oo carruur ah ayaa muddo ka badan sugay baaritaanka cilmu-nafsiga carruurta iyo dhallinyarada (BUP) marka loo eego 30kii maalmood ee dammaanadda daryeelka.
-
Subaxnimadii Talaadada ayey labo tareen isku dhacayeen magaalada Göteborg halkaa oo ey 10 qof ku dhaawacmeen. Waxaa jira falcelin wanaagsan oo ka imaanasaya wadaammada dariska la ah Iswiidhan ee la xiriirtq ku dhawaaqista ku biiritaanka NATO. Ciyaaryahanka kubaadda cagta Kristoffer Olsson oo xanuunsanaya.
-
Maanta ayay bilaabatay maxkamadeynta dilkii loo geystay hooya hogaamiye kooxeed ka tirsanaa shabakada Foxtrot dayrtii hore. Tan iyo markii sharciga cusub ee dhageysiga taleefoonada uu dhaqan galay 1-da Oktoobar ee sanadkii hore, in ka badan 30 qof ayaa la xiray. Maamulka dawladda Danmark ayaa go'aan ku gaaray inuu xiro baaristii qaraxyadii ka dhacay tubbooyinkii gaaska ee Nord Stream 1 iyo 2. Tirada dadk geeriyooda iyaga oo qaal lagu leeyahaa noloshooda ayaa kor u kacday.
-
Hungary ayaa Sweden ka iibsanaysa afar diyaaradood oo nooca JAS Gripen ah. Labo nin ayaa lagu xukumay xabsi daa'in, kadib markii lagu helay dambi ah inay dil u geysteen aabe 39 jir ah. Xukuumadda iyo xisbiga Sverigedemokraterna ayaa deg deg u baadhi doona in mar kale loo ogolaan doono in Sweden in laga soo saaro macdanta Yuraaniyaamka. Faafida Covid-19 oo aad hoos ugu dhacday
-
Hay'adda sirdoonka ee wakaaladda difaaca Iswiidhen ee FRA ayaa hanjabaadyada badan oo ku soo biiray Sweden ku qeexday inay yihiin dabeylo duufaan. Hay'adda laanta socdaalku waxay diidi doontaa qiyaastii 300 oo codsi ogolaansho shatiga shaqada. Nin 20 jir ah oo bishii Jannaayo ka baxsaday guryaha lagu hayo dhalinyarada ee SIS, ayaa boolisku xidhay. Hilib caydhin iyo cunto badan ayaa sababay in ey yari ku dhinto magaalada Malmö.
-
Dadka deggan guri dabaq ah oo ku yaal degmada Uplands Väsby ayaan loo ogolayn inay ka baxaan guryahooda.Hoolka lagu ciyaaro padel ee magaalada Östersund ayaa dumay, sida ay soo werisey P4 Jämtland.Ururka macallimiinta ee dalka Iswiidan ayaa dowladda ku dacweeyay takoor. Degmada Boden kama keensan doonto caawiye kalkaaliyaye cafimaad wadanka Isbayn Spain .
-
Codsigii Sweden ee Nato iyo baarlamanka Hugeriya. Ra'iisul Wasaare Ulf Kristersson wuxuu u oggolaaday xaaskiisa inay u raacdo safarro kharash bilaash ah. Fardihii wey ilmeeyeen oo waxay bilaabeen inay baxsadaan xilli koox ku jirtay dalxiis fardo fuul ah deegaanka Djurgården ee Stockholm xagaagan.
-
Shidaalka naaftada oo jabey. Aabe khiyaameeyay Hay'adda Caymiska bulshada inuu wiilkiisu u baahan yahay caawiye. In ka badan kala badh dhammaan Cagafyada nooca loo yaqaan A ma dhaafaan kormeerka. Iswiidhan waxay qaadatay dahab, qalin iyo maar koobkii adduunka ee barafka.
-
Xildhibaan Morgan Johansson ayaa xaaskiisa maxkamadda racfaanka ku heshay dambi ah inay jabsatay xog dhanka kombuyuuterka. Sara Skyttedal oo xisbiga Kristdemokraterna u fadhida baarlamanka EU-da ayaa khamiistii shalay sheegtay inay ka baxday xisbiga KD. Xisbiyadii wada saxiixday heshiiskii Tidö ayaa doonaya in gacan bir ah lagu qabto waalidka ku khasba carruurta iney xijaab xirtaan. 15 qof oo ka koobnaa saddex kooxood oo gaar u kala socday ayuu ku dhacay calool xanuun.
-
Xukuumadda ayaa soo jeedineeysa in la adkeeyo shuruudaha lacagaha la isugu diro ee xalaadaha. Subaxnimadii khamiistii saaka oo guri dabaqah oo Malmö ku yaalla rasaas lala beegsaday. Baaristii hordhaca ahayd ee harqankii markabkii Estonia ayaan dib loogu laaban doonin.
-
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah
Midho iyo khudrad yar ayaa la iibsaday sanadkii hore marka loo eego sanadkii ka horeeyey ee 2022 kii. Kastamada Iswiidhen ayaa qabtay daroogo badan sanadkii hore taasi oo gaadhaysa 11 tan. Maalinta jacaylka waxa kordha booqashada ay dadku ku aadan shaneemooyinka iyo dawashada filimada.
-
Dabkii weynaa ee ka kacay magaalada Göteborg, jardiinada biyaha ee Oceana agagaarka Liseberg ayaa weli lagu la'ayahay nin. Biryooshyo ama rooti macaan oo badan oo bir af leh ku jirto ayaa laga helay Malmö. Hayadda dayeelka maxaabiista ayaa gashay xaalad diyaargarow oo ay sabab u tahay baahida weyn ee loo qabo boosas xarummaha xabsiyada iyo rummaannada.
-
Guddoomiyaha xisbiga Moderaterna ee Västra Götaland, Johan Abrahamsson, ayaa si ku meel gaar fasax uga qaatay howlihiisii. Qoysaska Iswidishka ayaa la baxa lacag caddaan ah oo aad u yar. Seddexdii qofba mid bulshada Sweden ayaa waxa ku sii kordhay walaaca ey ka qabaan dagaal. Bishii Janaayo, 1,110 shirkadood ayaa kacay. Taasi waxay 57 boqolkiiba ka badan tahay bishii Janaayo ee sannadkii hore.
- Show more