Episoder

  • Sidee bulshada Soomaaliyeed u aragtaa dadka la nool xanuunnada maanka? Maxaa qofka laga aaminsan yahay marka uu la kulmo dhibaato nafsi ah? Maxay tahay sababta mararka qaar dadka loogu geeyo cilaaj halkii loo raadin lahaa daaweyn caafimaad oo takhasus leh?

    Xalqaddan 3-aad ee Daryeel Podcast, oo ka baxda Dawan Media, waxaa marti ku ah Dr. Abdifatah Haji Daud, Dhakhtar ku takhasusay Cilmi-nafsiga. Waxaa daadihineysa Dr. Ubah Farah Ahmed.

    Wareysigan wuxuu diiradda saaraya caafimaadka maanka, fahamka bulshada, is-dilka, hurdo la’aanta, walbahaarka, qaadka, khamriga, iyo sida cudurrada nafsiga ah loogu baahan yahay in loola dhaqmo si la mid ah cudurrada jirka ku dhaca.
    Timecode

    00:00 hordhac
    01:53 Qiyaasaadka Caafimaadka Maanka
    10:36 qeybaha waalida ama caafimaadka dhimirka
    18:26 caalamadaha lagu garto Waalida
    26:24 Yaa ugu nugul cudurada dhimirka?
    32:31 Maxaa keenay in Soomaalida u uku bato cudurada maanka?
    40:35 Maxaa ka dhaxeeya cudurada dhimirka, Sixirka iyo jinka?
    48:19 Intee ayay la egtahay dadka isdila
    53:12 Qaadashada Daroogada iyo cudurka dhimirka maxaa ka dhaxeeya?
    1:00:40 Maxaa dhacaya hadii qofka laga daaweyn waayo Cudurada Maskaxda?
    1:02:44 Talada Dhaqtarka ee Cudurka dhimirka
    1:07:58 Gabagabo

    🔔 HA SEEGIN XALQADAHA SOO SOCDA

    Riix SUBSCRIBE oo daar ogeysiiska (🔔) si aad ugu horrayso markaan
    soo bandhigno martida xigta — siyaasiyiin, falanqeeyayaal, iyo siyaasadda Soomaaliya.

    📍 Subscribe: / @dawan_tv
    💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka
    🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!
    https://www.dawan.so/
    https://www.dawan.africa
    https://www.bawaba.africa

    ━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━

    📲 NALA SOO XIRIIR

    🌐 Website: https://dawan.so/
    📘 Facebook: /DawanTV
    🐦 X/Twitter: @DawanTV
    📸 Instagram: @DawanTV
    🎵 TikTok: @DawanTV

  • Dhiig-karka waxaa inta badan loogu yeeraa “dilaaga qarsoon”, sababtoo ah qofku wuu qabi karaa muddo dheer isagoo aan dareemin calaamado muuqda. Haddana, haddii aan la ogaan ama aan la xakameyn, wuxuu sababi karaa dhibaatooyin culus oo caafimaad.

    Xalqaddan Daryeel Podcast ee ka baxda Dawan, waxaan ku martiqaadnay Dr. Abdullahi Jamac Abib, dhakhtar ku takhasusay cudurrada guud iyo uur-ku-jirta, kana tirsan Cisbitaalka SIMAN.

    Waxaan ka hadleynaa waxa uu yahay dhiig-karka, dadka ugu nugul, sida lagu ogaan karo, qataraha ka dhalan kara haddii la iska dhago-tiro, iyo muhiimadda ay leedahay in qofku si joogto ah ula socdo caafimaadkiisa.

    Timecodes

    00:00 Hordhac
    02:11 Dilaaga Qarsoon: Dhiig-karka iyo xaaladihiisa
    05:36 Sidee qofka qaba dhiig-karka ku ogaan karaa?
    08:50 Yaa u nugul in uu ku dhaco dhiig-karka?
    12:46 Sidee looga hortagi karaa dhiig-karka?
    15:31 Maxay yihiin dhibaatooyinka dhiig-karka?
    20:45 Carruurta ma ku dhacaa cudurkan?
    22:35 Gabagabo

    Hashtags

    #DaryeelPodcast #Dawan #DhiigKarka #Caafimaad #Somalia #SomaliHealth #DrAbdullahiJamacAbib #Hypertension #CaafimaadkaBulshada

  • Manglende episoder?

    Klik her for at forny feed.

  • Qaybtan Koowaad ee Daryeel Podcast, waxaan ku falanqaynaynaa xaaladaha caafimaad ee dalka iyo baahida loo qabo nidaam adag oo dhanka talaalka ah. Waxaan si qoto dheer u eegaynaa saddexda cudur ee sida aadka ah ugu faafa Soomaaliya iyo doorka waalidiinta ee ku aaddan badbaadinta ubadka.

    Waxa barnaamijka marti ku ah khubaro caafimaad oo aqoon durugsan u leh dhankan, kuwaas oo kala ah: Mohamed Abdullahi Omar (Qabiir dhanka talaalka ah oo ka tirsan WHO) iyo Ali Mohamed So’dal (Dhaqtar Caruurta ah).
    Qodobada ugu waaweyn ee wareysiga:
    Saddexda Cudur ee ugu Faafista Badan:Maxay yihiin halisyada caafimaad ee ugu weyn ee wajahaya caruurta Soomaaliyeed maanta?
    Muhiimadda Talaalka:Ma qasab baa mise waa ikhtiyaar? Sidee buu talaalku u beddelaa nolosha ubadka?
    Doorka Waalidka:Maxaa la gudboon waalidiinta si ay caruurtooda uga badbaadiyaan xanuunada faafa?
    Toddobaadka Talaalka Adduunka:Maadaama lagu jiro toddobaadka talaalka, maxay tahay farriinta loo dirayo bulshada?

    Haddii aad tahay waalid ama qof daneeya caafimaadka bulshada, ha moogaan qaybtan muhiimka ah si aad u hesho talooyin caafimaad oo xaqiiqo ku fadhiya.

    📌 Mawduucyada Muhiimka ah ee lagu gorfeynayo:
    Isbeddellada nidaamka caafimaadka ee dhanka talaalka.
    Caqabadaha hortaagan in la gaaro caruur kasta oo Soomaaliyeed.
    Saamaynta cudurada faafa ee mustaqbalka jiilka cusub.

    ---
    Description (English)

    In this insightful episode of Daryeel Podcast, we explore the most critical health challenges facing children in Somalia today. Our experts analyze the prevalence of infectious diseases and the vital necessity of a robust national immunization system.

    Joining the discussion are Mohamed Abdullahi Omar, a vaccination expert from the World Health Organization (WHO), and Dr. Ali Mohamed So’dal, a renowned Pediatrician.

    Key Highlights Include:

    Top 3 Prevalent Diseases:Identifying the most widespread health threats to Somali children.
    Vaccination Debate: Is it a choice or a necessity? Understanding the life-saving impact of vaccines.
    Parental Responsibility:The crucial role of parents in ensuring child safety through preventive healthcare.
    World Immunization Week:Special insights in alignment with global health awareness goals.

    📌 Key Topics Covered:
    Current status and gaps in Somalia's healthcare and vaccination infrastructure.
    The science behind vaccines and debunking common myths.
    Strategic steps to improve child survival rates in regional communities.

    Hosted by: Dr. Ubah Farah Ahmed
    Production:All rights reserved by Dawan Media.

    #Somalia #Caafimaadka #DaryeelPodcast #Vaccination #DawanMedia #ChildHealth #Talaalka #HealthAwareness

    📍 *Subscribe:* / @dawan_tv
    💬 *Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka*
    🔔 *Nala soco si aad u hesho barnaamijyada ugu muhiimsan caafimaadka!*
    [www.dawan.so](http://www.dawan.so) | [www.dawan.africa](http://www.dawan.africa)