Episodes
-
Bismilaah;
Hormarka nolosha isbeddel ayuu ku jiraa β markaad maqashid ereyga isbeddel, maxaa maskaxdaada kusoo dhaca?π― Aniga, "Ficil la'aan". ficil la'aan isbeddel ma imaanayo, laakiin marmarsiyooyinka ayaa inta badan na xannibaya. Qaybtan, waxaan kula wadaagi doonaa marmarsiyooyinkii iga hor istaagay inaan sameeyo podcast muddo dheer. π Marmarsiyahaagu maxay kaa hor taagan yihiin? Maanta se diyaar ma u tahay inaad bilowdo safarkaaga?
Dhageysi wacan! π§β¨π«
-
Bismilaah;
π Allah subhanahu wa ta'ala wuxuu yiri: 'Ilaahay ma beddelo xaaladda qoom ilaa ay beddelaan waxa ku jira nafsaddooda.' (Qurβaanka 13:11)
βοΈ Tani waxay ina xasuusinaysaa in isbeddelka dhabta ah uu ka bilaabmo gudaha. Qoraalku waa mid ka mid ah aaladaha ugu awoodda badan ee lagu ogaan karo waxa aan u baahanahay inaan beddelno si aan u gaarno qofka aan rabno inaan noqono.
Ku soo dhawaaw gogal-dhiga Kalfadhigii 2-aad ee Hab Fikirka Tarmuuska! π§
-
Episodes manquant?
-
Bismilaah;
Qamiista ugu dambaysay ee sannadkan ποΈβ¨, waxaan warqad dhiirrigelin ah u qorannay nafteena mustaqbalka π. Warqaddan waxay noo tahay fursad aan ku sawiranno guusha π iyo qofnimada aan rabno inaan noqono sannadka soo socda, Insha Allah π.
Sidoo kale, waxaan kuu rajeynayaa sannad cusub oo barwaaqo leh π±β¨, guulo faro badan oo kaa farxiya ππ, iyo horumar joogto ah π. Ilaahayna waxaan kaaga baryayaa inuu kuu fududeeyo waddo kasta oo wanaag kuu horseedda π€²π.
Dhagaysi wacan! π§
-
Bismilaah;
Caawa waxaan ka hadlaynaa sababta caadooyinka qaar u hirgalaan halka kuwa kalena ay fashilmaan. π°οΈπ
Waxaan si gaar ah diiradda u saarnaynaa...
Doorka wakhtiga uu qofku wax bilaabayo πβ¨.Dhibaatada ka dhalata bilaw caado cusub oo niyad yari iyo sabab laβaan ku dheehan tahay π§π.Sida aan uga faaβiidaysan karno bishan December iyo maalmaheeda ugu dambeeya si aan u gaadhno horumar waara ππ₯.Dhagaysi wacan! π§π
-
Bismilaah;
Qaybtan waxaan si qoto dheer uga hadlaynaa:
Muhiimadda maalmaha ugu dambeeya 2024 ποΈ iyo sida looga faaβiidaysan karo.Shidaalka aan ka qaadan karno maalmahan yar ee haray, si aan si wanaagsan ugu qaabeeyno sannadka 2025 π±π₯.Diyaar ma u tahay inaad sanadkan si xikmad leh u soo gabagabeyso? π‘ Ku soo biir ka miradhalinta maalmahan ugu dambeeya ee 2024! Dhagaysi wacan! π§
-
Bismilaah;
β¨ Maxaad Ka Baratay Bisha November? π―π
Qaybtan waxaan ka wada hadlaynaa:π 3 caqabad oo si toos ah u dhaawaca diiradda saarida (focus)π‘οΈ Sida aan uga hortagi karno caqabadahaas si aan u joogtayno guulahaποΈ Casharadii ugu muhiimsanaa ee aan ka faaβiiday bishii November
Maxaa adigu bishan ka baratay? π Igula wadaag Instagram-ka cusub ee Podcast-ka: @Hab Fikirka Tarmuuska Podcast π²π¬ Dhagaysi wacan! π§ https://www.instagram.com/hab_fikirka_tarmuuska_podcast_?igsh=cHc1eWVhd2szbXV4&utm_source=qr
-
Qaybtan waxaan ku faaqidnay:β 5 qodob oo muhiim ka dhigaya qorista jadwalka usbuucaβ 5 suβaalood oo kaa caawinaya inaad qorto jadwal fudud oo waxtar lehπ Qiimaynta loo baahan yahay si loo ogaado wixii hagaagay iyo wixii u baahan in la toosiyo
Maxaad adigu adeegsataa si aad u maarayso hawlaha kuu yaalla usbuuca? π€ποΈ
Dhagaysi wacan! π§β¨
-
Bismilaah;
Qaybtan waxaan ku wada ogaan doonaa suβaalo hagaya qofka si uu naftiisa u iftiimiyo, una fahmo waxa runtii mudan in uu xoogga saaro maalintiisa π π. Ma jiraan suβaalo gaar ah oo aad is leedahay waa muhiim in la isweydiiyo si maskaxdu ugu iftiimiso yoolalkeeda? π€β¨ Halkan waxaan ku wadaagi doonaa labo suβaalood oo ay habboon tahay inaan u fariisanno, si ay nooga caawiyaan inaan si qoto dheer u fahanno muhiimadaha mudnaanta iyo waxqabadka habboon π±π.
Dhagaysi wacan! π§
-
Bismilaah;
Sida xilli-roobaadka π§οΈ, jiilaalka βοΈ, iyo xagaaga π, ayuu qofkuna wuxuu leeyahay xilliyo uu ku jiro heerar kala duwan oo nafeed. Maaddaama aan ku guda jiro "season-ka" barashada Ilaahay πΏ, qaybtan waxaan kula wadaagi doonaa saddex ka mid ah casharadii ugu qiimaha badnaa ee aan ka bartay bishii Oktoobar πβ¨. Intaa waxaa sii dheer, waxaan ku faaqidi doonaa qiso MRI oo xiiso ii lahayd markii hore iyo markii danbe wixii nakala raacay π€.
Dhagaysi wacan! π§
-
Bismilaah;
Qaybta 7-aad ee podcast-keena, waxaan ku falanqeyn doonaa dib-u-eegista bishii tagtay π β¨. Waxaan dhex mari doonnaa 9 su'aalood oo milicsiga bisha ah π§ iyo 3 suβaalood oo la xiriira qorshaynta bisha soo socota π. Bisha Oktoobar, ha moogaan inaad dib u milicsato dareenka iyo xaaladaha kuu gaarka ah, si aad u fahamto oo u kobciso naftaada. Suβaashu waa: ma lagama maarmaan baa in bil kasta hal mar la milicsado?
ποΈ Dhagaysi wacan!
-
Qaybta 6-aad waxaan kaga hadlaynaa "Haddii aan nala xasuusin, xasuusan mayno" π€π. Qaybtan, waxaan falanqeyn doonaa labo sababood oo muhiim ah oo ay tahay in aan u qorno fikradaha iyo xusuusta πβοΈ. Sidoo kale, waxaan ku qaadaa dhigaynaa labo tusaale oo shaqsi ah oo na tusinaya in aan wax ilowno, balse Allah iloobin, iyo sida dhiirigalin ugu jirto waxa aan horay u qornay ππ. Dhagaysi wacan! π§β¨
-
Qaybtan 5-aad ee podcast-keena, waxaan kaga hadlaynaa muhiimada qoraalka fikirrada subaxnimo (Morning thoughts) π π. Sidoo kale, waxaan dul istaagaynaa khasaaraha ka dhalan kara marka aan la qorin fikradahaasβmid dhaqaale πΈ iyo mid nafba leh π. Maxaa looga jeedaa "shabeelka" π aan iska ilaalinayno, iyo "faraska" π aan daajinayno? Jawaabahaas iyo kuwo kale oo badan ayaad ka heli doontaa qaybtan.
Dhagaysi wacan! π§β¨
-
Qaybtan 1.aad ee 'Ila Qor' waxaan uga hadleynaa waxa aan qorayno, halka aan ku qorayno, iyo sababta muhiimka ah ee ka dambeysa ku qorida Futureme. π€ Waa safar lagu ogaanayo sida xusuusta iyo qoraalku isugu xidhan yihiin, oo aan dib ugu milicsaneyno waxa nolosha mid xasuus mudan ka dhigaya. π€
Dhagaysi wacan!π
-
Bismilaah;
Kahor intaanan bilaabin qoraalkeenii ugu horreeyay, waxaan qaybtan ku xusnay qayb ka mid ah awoodda qalinka iyo muhiimadda uu leeyahay. Sidoo kale, waxaan kula wadaagay afar sababood oo muhiim ah oo ay tahay in aan qoraallo u qorno. πβ¨
Dhagaysi wacan!
-
Bismilaah;
Hab fikirkee ayay adiga kula tahay inuu noqon karo caqabadda ugu weyn ee qof ka hor istaagi karta inuu isbeddel ama horumar sameeyo?
Qaybtan 2-aad waxaan maanta ku falanqeynaynaa 4 qodob oo qofka u diida inuu tallaabo qaado si uu isbeddel u sameeyo. Nasiib wanaag, waa wax la bedeli karo haddii qofku uu habka fikirkiisa kaliya beddelo.
Dhagaysi wacan! π
-
Bismilaah;
Xalqadan 1.aad waxay gogoldhig u tahay xalqadaha kale oo soo socda, sidoo kale waxay sawir kaa siinaysa sababta Podcast-ga "Hab Fikirka Tarmuuska" luugu magac daray (Hadaba ila dhagayso 3.dexda shaqsi ee aadanuhu u kala baxo, labo waan iska ilaalin doonaa inaan noqono , halka aan hal ka mid ahna ku dedaali doono noqoshadiisa). Sidoo kale wax ka ogoow xalqadaha soo socda waxay xambaarsanaan doonaan Insha Allah.
Dhagaysi wacan!
-
Bismilaah,
Tarmuusku waxaan aaminsanahy in uu ka mid yahay alaabta hoy kasta oo bini aadam laga heli karo, hoy soomaliyeedna warkiiba daa. Mise is waydiisay halka aan Tarmuuska ka shabahno? Nafteenu sida Tarmuuska oo kale ayay u baahantahay in laga rogo wixii aan anfacaad u lahayn, la' carfiyo kadibna lagu shubo wax cusub. Ku soo dhawaaw Hab Fikirka Tarmuuska by Hodan Hilmi.