Bölümler
-
Waa barnaamijkeennii WLG, qaybtiisii 8-aad. Qaybtan waxa aynu ku wadaagi doonnaa laba sheeko oo ay soo gudbiyeen laba gabdhood. Labadan sheeko waxa la kala yidhaa "Allow Hargab Ka Dhig" iyo "Inantu Aniga Ma Aha". Dhegaysi wacan!
Support the show -
Laba sanno gudahood ayay ku beddeshay nolosha kumannaan qof, sidoo kalena ay ku samaysay dhaqaale dhawr milyan oo doollar ah. Fadumo Faysal Cali ”Waraabe” waa kalkaaliso aasaastay shirkad u adeegta bukaanka iyo inta jilicsan ee dalka Finland. Dhegaysi wacan!
Support the show -
Carruurnimadaadii, sidee ayaad u ciidi jirtey? Su'aashan ayaannu weydiinnay ehel iyo asxaab kala duwan oo maanta ku ciidayay magaalada Hargeysa. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) -
Ridwaan Iid "Hilawle" waa halabuur curiya suugaanta, sameeya laxammada heesaha, sidoo kalena ku luuqeeya cod aad loo jeclaysto. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) -
Waa silsilad-suugaaneed ka dhalatay geeri naxdin leh oo kala geysay lammaane ku ballansanaa in ay is guursadaan. Dhacdadan iyo suugaanta ka dhalatayba halkan ka dhegayso.
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) -
Waa qaybtii toddobaad ee barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ka boganaynaa sheekada lammaane kala jooga Hargeysa iyo Jigjiga. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) -
Cumar Cabdi Nuux waa jilaaga filinka caanka ah ee sannadkii u dambeeyay adduunka qabsaday. Waxa aannu kala sheekaysannay hayaankiisa jilaanimo, dariiqii loo maray filinkan u dambeeyay iyo guud ahaan waayaha ku gedaaman curinta filimaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) -
Saamayn dhaqaale oo muuqata ayuu dabkii Hargeysa ku yeeshay shacabka. Sidoo kale mid maskaxeed ma ku yeelan karaa? Sidee looga soo kabtaa labadaas?
Waxa faahfaahin ka bixinaya Ugbaad Axmed Xaashi iyo Dr. Axmed Cabdi Xirsi. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) -
Waa barnaamijka Deegaanka & Duurjoogta. Waxa aan xaaladda duurjoogta dalka kala sheekaystay Huda Cali Banfas oo shaqadeedu tahay badbaadada iyo daryeelka duurjoogta. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) -
Waa barnaamijka Fanka & Suugaanta oo uu markan marti ku yahay Cabdirixiin Siddiiq "Heello". Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) -
Waa barnaamijkii kowaad ee ku baxa maqal & muuqaal. Qaybtani waa dhegaysi, haddii aad doonayso in aad daawato qaybtan, booqo boggayaga Youtube, adiga oo ku baadhaya magaca Codka Ubax. Barnaamijka Fanka & Suugaanta oo taxane ah waxa marti ku ah Cawaale Deeqsi. Dhegaysi/daawasho wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) -
Waa qaybtii lixaad ee taxaneheennii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko, ta kowaad waxa la yidhaa ”Islaan Baan Qalayay”, ta labaadna ”Igu Labee”. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) -
Badhtamaha xaafadda ugu hadalhaynta badan magaalada Stockholm, marka ay noqoto dhanka rabshadaha, waxa ku taalla makhaayad nooceedu ku yar yahay ogaalka dadka. Waa makhaayad la yidhaa Tast of Africa oo loo furay dumarka oo keli ah. Waxa aan la sheekaystay mulkiilaha, Ubax Cumar Toosh. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) -
Jacaylku waa maxay, imisa nooc ayuu u qaybsamaa, ma daruuri baa in wax la jeclaado mise waa dookh, ragga iyo dumarka sidee ayuu u kala saameeyaa, waa se maxay aragtida suugaanyahanka ee jacaylku? Waxa aan la sheekaystay Mawliid Aadan Biixi oo ah Qoraa iyo Suugaanyahan ku xeel dheer dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) -
Waa qaybtii shanaad ee tanaxanihii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko oo la kala yidhaa, "Hooyaa i Tidhi ha Guursan" iyo "Sannad Baan is Qabnay." Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) -
CIID WANAAGSAN - Waxa barnaamijkan daaddihinaya Abwaan Cabdillaahi Xasan Ganey, waxana ka mid ah dadka ka qaybqaadanaya, Faysal Xawaase, Xasan Waddo, Mubaarig Qoorubaxay, Khaliif Faarax Xayir iyo Samatar Siciid Saalax. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) -
Abwaan Keyse Maxamed "Galaydh" waa gabyaa ka maansooda nolosha qaybaheeda kala duwan. Isaga oo safar ah, ka yimid Jigjiga, una socda Burco, ayaannu ku sheekaysannay Hargeysa, suugaantiisa dhanka jacaylka iyo waxbarashadana ku wadaagnay. Dhegaysi habboon!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) -
Wax ka baro magaalada Jawhar oo ah halka uu ku dhashay Siciid Xagaa Afrax. Siciid oo saxaafadda ku jirey muddo 20 sannadood ah, waxa uu ka warramayaa jabkii uu u soo maray mihnaddiisa iyo sidii uu uga gudbay caqabadahaas. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) -
Waa qaybtii labaad ee barnaamijkii dalxiiska ee Ceerigaabo. Qaybtan waxa aynu ku tegi doonnaa buurta Daalo. Waxa aynu subax hore ka bixi doonnaa magaalada Ceerigaabo, innaga oo ka sii quraacan doonna tuulada Karin. Waxa safarka hage ka ah Cabdirisaaq iyo Khadiija. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) -
Waxa aannu dalxiis ku tegaynaa gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo iyo Buurta Daalo. Barnaamijku waa laba qaybood. Qaybta labaad waxa ay ku soo bixi doontaa barnaamijka kan xiga. Nala dalxiis. Dhegaysi wacan!
Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn) - Daha fazla göster