Bölümler
-
Dambiyada la xiriira maandooriyaha ayaa kor u kacay sanadkan. Booliska caalamiga ah ee Europol ayaa ku lug yeeshay ka dib mowjado tuugo ah oo dhawaan ka dhacay magaalada Stockholm. Beerta madadaalada ee Liseberg ee ku taalla Göteborg ayaa go'aamisay in beerta biyaha ee Oceana ee Göteborg dib loo dhisi doono.
-
Roobab xoogan ayaa ka da'ay xeebta galbeed, taasina waxay carqallad ku noqotay tartanka kubbadda cagta ee Gothia. Nin ayaa la ganaaxay ka dib mar uu ku kaxeeyay gaari xowlii garaaya 246 kilomitir saacaddii. Ururka Bergsjön Studiecenter Läxhjälpen, waa urur ay gacanta ku hayaan waalidiin isxil qaamay, oo doonaya inay carruuraha waxbarashada ka saacidaan.
-
Eksik bölüm mü var?
-
Wiil 17 jir ah ayaa loo xiray sabab ah in looga shakisan yahay dilka wiil lagu toogtay xaafadda Bagarmossen. Hadda waxaa la ogolyahay in lagu toogto bannanka magaaladda Skellefteå labada shimbir ee ah nuuca geedaha garaaca ee si xun u jabsaday dhismo la deggan yahay. Cayayaanka ayaan tiro ahaan Iswiidhan hoos u dhicin 35-kii sano ee ugu dambeeyay, sida lagu sheegay daraasad ay samaysay jaamacadda Sweden ee beeraha. Sweden ayaa caawa diyaar u noqon karta koobka kubadda cagta Yurub ee 2025.
-
Nin iyo naag ayaa la xidhay toddobaadkan dhamaadkiisa , ka dib markii booliisku ka heleen xaruunta dhexe tareenada ee Stockholm shay halis ah. Salwan Momika oo ah ninkii kitaabka Qur'aanka gubay ayaa sharci cusub laga siiyay dalka Sweden. Saddex qof ayaa loo xidhay inay ku lug lahaayeen dil wiil yar loogu geystay xaafadda Bagarmossen ee magaalada Stockholm .
-
Nin 45 jir ah ayaa lagu xukumay in loo fidiyo daryeel dhanka dhimirka ka dib markii uu wiil uu dhalay oo sagaal jir ah ku dilay Södertälje horaantii Janaayo. Boqolkiiba 6, dadka Iswiidhishka ah ayaa aaminsan in isbeddelka cimiladu uu yahay been abuur. Qeeyla dhaanta ku saabsan xayawaanada la dayacay ayaa si aad ah u kordhaya inta lagu guda jiro bilaha xagaaga.
-
Roobabkii onkodka watay ee shalay ka da'ay guud ahaan koonfurta Sweden ayaa sababay dhibaatooyin waaweyn. Shaqo la'aanta ayaa sii kordheysa sida ku muuqata tirokoobyo cusub oo ka soo baxay Xafiiska Shaqada. Qeylo-dhaanta ku saabsan dhiiga la deeqo oo aad u yar ee isbitaallada ayaa sii socota.
-
Shirkadda gaadiidka dadweeynaha ee Västtrafik ayaa baajisay safarada dhowr tareen inta lagu guda jiro Arbacada. 11 sano iyo 8 bilood oo xabsi ah ayaa lagu xukumey nin 27-jir oo hoogamiye u ahaa gaangis. Noocyada qaar ee dhiigaa ayaa ku yar gobolka Skåne markii laga hadlayo dhiig bixinta.
-
Tuhmanayaal badan ayaa lagu ogaan doona iyadoo la qaadayo muunado DNA oo badan, faraha iyo sidoo kale sawirada wajiga. In ka badan hal sano, ayaa shaqaalaha baabuurta Volvo ee Umeå qeylo dhaan ka gudbinayeen jawiga shaqada oo liita, taas oo ka dhalatay shaqo dheeraad ah oo badan. Shan ka mid ah tobankii kareen ee loogu talagalay difaaca cadceedda ee leh qodobka ilaalinta qorraxda 50 ayaanan lahayn ilaalinta sare oo ay sheeganayaan.
-
Haweeney 65 jir ah iyo labo caruur ayaa geeriyooday ka dib markii uu dab qabsaday guri dabaq ah oo ku yaala magaalada Karlskrona maalintii Axadda. Dhowr arday oo ku sugan magaalada Lund ayaa loo sheegay inay dejiyaan calamada Falastiin. Bishii Juun ayaa qiimaha kafeega kordhay 7,9 boqolkiiba.
-
Nin 25 jir ah ayaa fiidnimadii Khamiista lagu dilay xaafad ku taal Bagare-gården ee Göteborg. Nin ku nool Gotland ayaa lagu soo oogay dacwad ka dib markii uu kaxay baabuur uu baraf kaga yaala muraayadaha. Kow iyo toban qof oo ka mid ah taageerayaasha kooxda kubbada cagta ee Malmö FF ayaa lagu xukumay rabshado dagaal.
-
Tiro rikoor ah oo ardayda dugsiga sare ah ayaa lagala noqday gunnada waxbarashada maqnaansho aan sax ahayn awgeed. Magaalada Stockholm, waxaa dhawaanahan ka dhacay dhowr meelood oo ay tuugadu u muuqdeen inay qufulka ku shubeen aasidka wax dhalaaliya. Dalagga soo go'aaya sanadkan waxa uu u muuqdaa mid caadi ah.
-
Bishii Juun, ayaa laba iyo toban qof qaraqmeen, halka toban ka mid ahina ay dabaalanayeen goorta uu shilka dhacay. Dad badan ayaaIswiidhen weli ku nool guryaha waalidkood. Nin 41 jir ah ayaa lagu xukumay lix sanno iyo bar oo xarig ah kadib markii uu shan kiilo oo maandooriye ah uu soo galiyay Iswiidhen.
-
Dab ayaa ka kacay jaziirada Kos ee dalka Giriiga . Morphine ayaa laga waayay dhowr ambalaas oo ku yaal Sandviken ee degmadda Gävle. Ilmo ayaa ku dhintay isbitaalka jaamacadda ee Uppsala ka dib markii uu ku dhacay bararka xuubka maskaxda oo eey sababto shillinta.
-
Kordhinta mushaarka ayaa ka sarraysay sicir-bararka bishii Abriil. Markii ugu horreysay muddo ku dhow laba sano ayaa tirada shirkadaha kacay hoos u dhaceen bishii Juun. Sannadkii siddeedaad oo xariir ah ayaa tirada dadka kaalmada dhaqaale ka helaya dalka Iswiidhan hoos u sii dhacaysa.
-
Xaalada amaan ee dalka Iswiidhen ayaa wali ah mid halis ah. Afar shirkadood oo kale oo Iswiidhish ah ayaa la sheegay in looga shakisan yahay inay iibiyeen waxyaabaha la isku qurxiyo, kuwaasoo ka kooban maadooyin khatar ah oo sharci darro ah. Waxaa haatan caddaatay in wadada E6 ee Stenungsund dib loogu furi doono isu socodka gaadiidka 5-ta bisha Julaay.
-
Wiil 15 jir ah oo hubaysan isla markaana ku wajahnaa safaarada Israa'iil ayaa la xukumay, maxkamadda degmeda Nacka ayaa sidaa sheegtay. Baska SL ee ka hawl galo Stockholm ayaa lagu rasaaseeyay magaalada Värmdö ee dhacda bariga magaalada Stockholm. Inkastoo wasaaradda arrimaha dibadda ay kala talisay, ayaa haddane qaar badan qorsheynaya inay u safraan dalka Lubnaan
-
Mark Rutte, ayaa si rasmi ah loogu doortay inuu noqdo xoghayaha cusub ee NATO. Hay'adda sadaalinta hawada ee magaceeda loo soo gaabiyo SMHI ayaa soo saartay digniin ku saabsan khatar sare ee ah dab in uu ka kici karo keymaha iyo dhulka. Waxaa dhasha carruur yar oo qaba cilladda Down syndrome-ka manta markii loo barbar dhigo 20 sano ka hor.
-
Qiimaha cunnada ayaa ah mid si aad ah u kor ugu kacayo. Hanjabaadaha iyo tacaddiyada ka dhanka ah shaqaalaha asluubta iyo maxaabiista kale ayaa ku kordhay xaruunta daryeelka ama dhaqanceelinta dembiilayaasha ee Hall. Cilmi-baaraha Swedish-Iraniga ah, Ahmadreza Djalali ayaa maanta oo Arbaca ah ka bilaabaya mudaaharaad cuna-joojin ah gudaha xabsiga ku yaalla dalka Iran oo uu kaga soo horjeedo xukluumadda Sweden
-
Nin 20-meeyo jir ah ayaa 12 saacadood la haystay bishii Diseember waxaana loo geystay xadgudub. Caawa ayuu biloowanaya todobaadka Almedal, waa todobaaad oo tusaale ahaan, hogaamiyayaasha xisbiyada iyo madaxda kale ee bulshada ay isugu yimaadaan magaalada Visby ee gobolka Gotland. Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa hadda heshiis ku gaaray cunaqabatayn kale oo ka dhan ah dalkaasi Ruushka oo ay safiirrada dalalka Midowga Yurub ku heshiiyeen todobaadkii hore.
-
Rajo aan wanaagsaney oo laga muujiyey khilaafka u dhexeeya garabyada ururrada shaqaalaha caafimaadka iyo shaqo bixiyeyaasha. Maamulka boliiska Örebro oo u mahadceliyey bulshada. Afar nin oo loo qabtay isku day dil.
- Daha fazla göster